Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marco Rubio, ayaa walaac ka muujiyay xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea, isagoo ka digay in isku-ciidan-urursiga labada dhinac ee ka jira xuduudaha uu horseedi karo dagaal ballaaran oo ay ku lug yeeshaan dalal kale oo gobolka ah.
Rubio oo habeennimadii xalay arrimahan su’aalo laga waydiiyey, ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ciidamada ee labada dhinac ee xuduuddu uu kordhinayo walaaca laga qabo in xiisadda hadda jirta ay isu beddesho colaad ka ballaaran tan labada dal u dhexeysa.
Wuxuu sheegay in kooxo gooni-u-goosad ah ay weerarro ka fuliyeen gudaha Itoobiya, taas oo keentay in dowladda Itoobiya ay jawaab ka bixiso. Sida uu Rubio sheegay, dhacdooyinkaas ayaa qayb ka ah xaaladda sababtay in ciidamada lagu soo ururiyo labada dhinac ee xuduudda.
Rubio wuxuu xusay in Mareykanku uusan sannadihii la soo dhaafay xiriir dhow la lahayn Eritrea, balse bilihii ugu dambeeyay uu jiray wada-xiriir ka badan kii caadiga ahaa. Waxaanu carabaabay in Washington ay rajaynayso in qaadista qaar ka mid ah cunaqabatannadii saarnaa Eritrea ay gacan ka geysan karto xoojinta xiriirka iyo dhex-dhexaadinta labada dhinac.
Isagoo ka hadlayay xiriirka Mareykanka iyo Itoobiya, Rubio wuxuu sheegay in Washington ay xiriir dhow la leedahay Addis Ababa, isla markaana uu isagu si gaar ah ula hadlay mas'uuliyiin Itoobiyaan ah maalmo ka hor, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in xaaladda si taxaddar leh loo maareeyo.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Mareykanku fahamsan yahay caqabadaha ay dowladda Itoobiya kala kulmayso kooxaha gooni-u-goosadka ah oo uu ka wado TPLF, isla markaana uu si weyn uga soo hor-jeedo weerarro loo adeegsaday Drones oo dhawaan lagu qaaday caasimadda Addis Ababa.
Hadallada Rubio waxay muujinayaan walaaca Mareykanka ee ku saabsan suurtagalnimada in xiisadda Itoobiya iyo Eritrea ay ka gudubto heerka isku-dhacyada iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada, una gudubto dagaal ku fida gobolka oo dhan.
